HomeWararFaah faahin: Dad ku dhintay Qarax xoogan oo Galabta ka dhacay Magaalada...

Faah faahin: Dad ku dhintay Qarax xoogan oo Galabta ka dhacay Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax xoogan uu dhowr iyo toban daqiiqo kahor uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax xoogan uu dhowr iyo toban daqiiqo kahor uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo ku taalla agagaarka xaafadda Macruuf ee Boosaaso, waxaana xiligaas ku sugnaa oo ku shaah cabayay Rag oo mar kasta goobta isugu tegi jiray.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halka dad kalena ay waxyeelo dhaawac soo gaartay, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee galabta ka dhacay Boosaaso, sidoo kalena ma jiro wax faah faahin oo laga bixiyey qaraxa.

Si kastaba ha’ahaatee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo kala duwan oo isugu jiray miino iyo kuwa Is-miidaamin ah iyo dilal qorsheysan, waxaana inta badan falalka amni darro ee halkaas ka dhaca sheegta Al-shabaab iyo Daacish.

Latest stories