HomeWararDigniin adeg oo loo diray Ciidamada Dowladda ee qeybta 27-aad ee ku...

Digniin adeg oo loo diray Ciidamada Dowladda ee qeybta 27-aad ee ku sugan Hiiraan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ayaa maanta dardaaran ujeediyay Ciidamada Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga, waxaana Taliyihu uga digay Ciidamada Qalabka sida, si gaar ah qeybta 27-aad inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda dalka. Jeneraal Maxamed Tareedisho ayaa u sheegay Ciidamada inay u shaqeeyaan qaranka […]

- Advertisement -

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ayaa maanta dardaaran ujeediyay Ciidamada Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga, waxaana Taliyihu uga digay Ciidamada Qalabka sida, si gaar ah qeybta 27-aad inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda dalka.

Jeneraal Maxamed Tareedisho ayaa u sheegay Ciidamada inay u shaqeeyaan qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimaya qaranimada iyo dowladnimada dalka, sidoo kalena looga baahan yahay in aysan faragelin Siyaasadda

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa la faray inay ka digtoonaadaan inay taageeraan Musharaxiinta Golaha Shacabka ee doonaya kuraasta taalla Magaalada Baladweyne, iyagoo isticmaalaya diriiska Ciidamada qalabka sida.

Kormeerkaan oo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ugu tegay Ciidamada Guutada 5-aad ee ka tirsan qeybtaas, ayaa waxaa ku wehlinaayay Taliyaha Guutada 5-aad Korneel Baakay iyo Saraakiil ka tirsan qeybta 27aad ee XDS.

Digniinta loo diray Ciidamada qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalmaha soo socda la filayo in Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka bilaabato doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaaladaas.

Latest stories