HomeCaalamkaMadaxweyne Geelle oo booqday Qaahira iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweyne Geelle oo booqday Qaahira iyo ujeedka socdaalkiisa

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Masar ayaa Isniintii marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi. Booqashada Geelle ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Masar ayaa Isniintii marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi.

- Advertisement -

Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti.

Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo ay u raadineysay muranka Webiga Nile ee kala dhaxeeya Ethiopia.

Madaxweynaha Masar ayaa ku celiyey dalabka dalkiisa ee ah in heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka oo Ethiopia ay uga baxday 4.6 bilyan oo dollar.

- Advertisement -

Al-Siisi ayaa sheegay in heshiis noocaas uu noqon doono mid ku yimaada waqtiga ku habboon, uuna gacan ka gaysan karo “xoojinta ammaanka iyo xasilloonida gobolka.”

Wada-hadallada muranka biyo-xireenka ee u dhaxeeya Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa istaagay sanadkii tegay. Masar iyo Sudan ayaa marar badan ku celiyey baaq ay u jeedinayaan beesha caalamka ee ah inay gacan ka gaysato heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka.

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ammaanka Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida uu sheegay Al-Siisi oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Madaxweyne Geelle ayaa ku qeexay wada-hadallada “kuwa wax ku ool oo miro dhal ah,” isaga oo sheegay inay ka wada-hadleen habab “lagu xoojin karo laguna horumarin karo xiriirka.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts