HomeWararYuusuf Dabageed”Cali Guudlaawe raalli ahaanshaha shacabka ayuu Baladweyne ku tagay”

Yuusuf Dabageed”Cali Guudlaawe raalli ahaanshaha shacabka ayuu Baladweyne ku tagay”

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha ku Xigeenka Dowlaad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Hagar dabageed ayaa sheegfay in imaatinka Madaxweynaha maamulkaasi ee Baladweyne uu ka yimid Bulshada ku dhaqan Gobolka,xili ay jiraan siyaasiyiin iyo qaybo kale oo ka mid ah Bulshada oo kasoo hor jeeday Cali Guudlaawe. Yuusuf Dabageed ayaa gaashaanka u daruuray in madaxweynaha dowlad goboleedkaasi xoog lagu geeyay magaalada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha ku Xigeenka Dowlaad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Hagar dabageed ayaa sheegfay in imaatinka Madaxweynaha maamulkaasi ee Baladweyne uu ka yimid Bulshada ku dhaqan Gobolka,xili ay jiraan siyaasiyiin iyo qaybo kale oo ka mid ah Bulshada oo kasoo hor jeeday Cali Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed ayaa gaashaanka u daruuray in madaxweynaha dowlad goboleedkaasi xoog lagu geeyay magaalada Baledweyne. Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo u warramay BBCda ayaa sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe uu magaalada u yimid si uu u dhagaysto dadka wax tabanaya, xalna loo gaaro.

- Advertisement -

Dabageed waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidammada ay xeryahooda ku xaraysan yihiin oo aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in magaalada Baledweyne ay xiran tahay. Hasayeeshee wararka aynu helayno ayaa tibaaxaya in magaaladu ay weli xiran tahay khasaare dhaqaalana uu jiro.

Madaxweynaha mamaulkaasi Cali Guudlaawe ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Blaadweyne, iyadoo soodhaweyntiisa ay ka qayb qaaten qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Gobolka.

Latest stories