HomeWararSafiirka Somalia ee Sweden oo warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo laga guddoomay

Safiirka Somalia ee Sweden oo warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo laga guddoomay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden, Maxamed Xasan Cabdi, ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay maalintii khamiista (3 Febraayo) Boqorka Sweden, Boqor Carl XVI Gustaf, iyadoo loo maray dhanka Agaasimaha Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Danjire Maria Christina Lundqvist oo loo igmaday guddoomidda. Danjire Maxamed Xasan Cabdi, ayaa carabaabay yididdiiladiisa inuu ka howlgalo Sweden, […]

- Advertisement -

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden, Maxamed Xasan Cabdi, ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay maalintii khamiista (3 Febraayo) Boqorka Sweden, Boqor Carl XVI Gustaf, iyadoo loo maray dhanka Agaasimaha Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Danjire Maria Christina Lundqvist oo loo igmaday guddoomidda.

Danjire Maxamed Xasan Cabdi, ayaa carabaabay yididdiiladiisa inuu ka howlgalo Sweden, isagoo yiri “Sharaf weyn ayay ii tahay in aan warqadahayga aqoonsiga danjirannimo aniga oo ka wakiil ah Soomaaliya aan ku wareejiyo Boqorka Sweden”.

- Advertisement -

Danjire Maxamed Xasan waxa uu bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya kala dhexeeya Sweden oo uu ku tilmaamay mid wanaagsan, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal , lana ballaariyo iskaashiga si looga dhabeeyo dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Latest stories