HomeWararRW Rooble oo ku baaqay in la dar-dargaliyo gurmadka dadka Abaartu saameysay

RW Rooble oo ku baaqay in la dar-dargaliyo gurmadka dadka Abaartu saameysay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo gargaari […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

- Advertisement -

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay y xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulammo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo uu kala hadlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadkeenna loo badbaadiyo.

Latest stories