HomeWararAl-Shabaab oo sheegtay in dilal Qorsheysan ay ka fuliyeen Muqdisho

Al-Shabaab oo sheegtay in dilal Qorsheysan ay ka fuliyeen Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weeraro Qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Warar lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in siyaabo kala duwan ay Al-Shabaab dilal kaga fuliyeen Xaafado ka mid ah Muqdisho, waxaana ay intaa ku dareen in ugu yaraan ay labo ruux dileen. Al-Shabaab […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weeraro Qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Warar lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in siyaabo kala duwan ay Al-Shabaab dilal kaga fuliyeen Xaafado ka mid ah Muqdisho, waxaana ay intaa ku dareen in ugu yaraan ay labo ruux dileen.

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Baraqanimadii maaanta ay Xaafadda carrafaad ee Degmada Yaaqshid ay ku dileen, Xuseen Ciidgale oo sida ay sheegen  katirsanaa Ergada xildhibaannada baarlamaanka kasoo xulay dhanka deegaannada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Dilka ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan, kuwaasi oo sidoo kale dil ka fuliyay degmada Dharkenley ee Gobolkani Banaadir, waxaana ay intaa ku dareen in ay dileen tababare hore oo Millateri, kaasi oo ay magaciisa kusoo koobeen Aadan Jiira Kuuloow.

Ilaa iyo hadda laamaha ammaanka Gobolka Banaadir wax war ah kama soo saarin dilalkaasi ay Al-Shabaaab sheegteen in ay Muqdisho ka gaysteen.

Latest stories