HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe “Waxaan diyaar u ahay in aan xaliyo tabasho kasta...

Madaxweyne Cali Guudlaawe “Waxaan diyaar u ahay in aan xaliyo tabasho kasta oo jirta”

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha dowlad  Goboleedka Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka hadlay tabashada ay Maamulkiisa ka qabaan dadka kunool  Magaalada Baladweyne oo ay ku diidayeen inuu tego Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlaayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Baladweyne oo uu Maanta gaaray ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad  Goboleedka Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka hadlay tabashada ay Maamulkiisa ka qabaan dadka kunool  Magaalada Baladweyne oo ay ku diidayeen inuu tego Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlaayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Baladweyne oo uu Maanta gaaray ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo tabashada oo laga qabo dhismaha Maamulkiisa, isla markaana uu doonayo in lasoo afjaro khilaafyada ka dhashay doorashadiisii ka dhacday Magaalada Jowhar.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Guudlaawe inay muhiim tahay in tabashada jirta la xaliyo oo lagu dhammeeyo wax kasta wada-hadal ah, walaalnimo iyo mid shaqsiyadeed intba, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aysan jirin wax ka muhiimsan wada-hadallada.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka hadlay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee taalla Magaalada Baladweyne, wuxuuna ballan qaaday in doorashada kuraastaas loo qaban doono si Cadaalad oo daah-furnaan.

“Waxaan Alle hortiisa ka ballan qaadayaa in aan si Cadaalad u hoggaamiyo dadka,  Baladweyne Doorashado ayaa ka dhaceysa, kumannaan qofna waa imaanayaan, waxaa dadka Magaalada laga rabaa soo dhaweyn, martigelin iyo amni sugid, waxaana ballan qaadayaa in doorasho daah-furan oo Cadaalad ay ka dhici doonto Baladweyne iyo Jowhar”ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Maanta sanad kadib tegay Baladweyne oo dhowr jeer uu ka baaqday safaro uu ku tegi lahaa, sababo la xiriira rabashado ka dhacayay Magaalada oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad siweyn uga soo horjeeda Cali Guudlaawe iyo dadweyne farabadan oo dhigayey banaanbxa rabshado watay…

Latest stories