HomeWararJanaraal Xuud “Shalay waxaan diidnay in Cali Guudlaawe, maantana waan diiddanahay”

Janaraal Xuud “Shalay waxaan diidnay in Cali Guudlaawe, maantana waan diiddanahay”

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Janaraal Abuukar Warsame Xuud ayaa ka digay in magaalada Baledweyne xoog lagu geeyo madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Janaraal Xuud oo xalay xilli dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xasillooni darro laga wado magaalada Baledweyne, taas oo uu sheegay inay tahay in laga digtoonaado. Waxa uu dalbaday in dib […]

- Advertisement -

Janaraal Abuukar Warsame Xuud ayaa ka digay in magaalada Baledweyne xoog lagu geeyo madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Janaraal Xuud oo xalay xilli dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xasillooni darro laga wado magaalada Baledweyne, taas oo uu sheegay inay tahay in laga digtoonaado.

- Advertisement -

Waxa uu dalbaday in dib loo celiyo ciidamo uu sheegay in xalay lagu soo daadiyay magaalada, miiska wadahadalkana la isugu yimaado.

Magaalada Baledweyne ayaa daganayd maalmihii la soo dhaafay kaddib kacdoon hubeysan oo toban maalmood ka hor ay ku dhaqaaqeen maleeshiyo hubeysan oo ka soo horjeeda tagista magaaladaasi ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

“Shalay waxaan diidnay in Cali Guud-laawe uu Baladweyne Tago maanta oo aan Muqdisho joogana waan diiddanahay, wax wadahal ah oo ina dhexmaray ma jiro marka sidee ayuu noogu imaan karaa isagoo xaq-yagii haysta? Ma kibirbaa? Ma nihin dad loola yimaado edeb-darrada noocaas oo kale ah haddii aanu nahay reer Hiraan.”

- Advertisement -

“Dhiibaatada caawa magaalada taalla iyo ciidamada aad ku soo deyseen ka saara oo Lama Galaay ku celiya, haddaad wadahal diiddaan indinka oo mas’uuliyiin ah, waxaan naqaanaa sidaad wadahadal ku qaadataan waana la is tusayaa.”

Janaraalka ayaa sidoo kale u digay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) isagoo u sheegay inuusan marnaba ku dhiirran tagista magaalada Baladweyne.

Latest stories