HomeWararCiidamada Mareykanka ee xoojinta xulufada NATO oo tagay Poland, xili ay jirto...

Ciidamada Mareykanka ee xoojinta xulufada NATO oo tagay Poland, xili ay jirto cabsi

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa sabtidii gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Poland, iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu ku duulo dalka deriska la ah ee Ukraine. “Sida lagu dhawaaqay, cutubyada ugu horreeya ee guutooyinka dagaalka ee qaybta 82-aad […]

- Advertisement -

Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa sabtidii gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Poland, iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu ku duulo dalka deriska la ah ee Ukraine.

“Sida lagu dhawaaqay, cutubyada ugu horreeya ee guutooyinka dagaalka ee qaybta 82-aad ee hawada sare ee ciidamada Maraykanka ayaa soo gaaray Poland,” ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Poland.

- Advertisement -

Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadii amray in 1,700 oo askari la geeyo halkaasi. Ilaa 4,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa Poland joogay tan iyo 2017.

Biden ayaa sidoo kale amar siiyay ciidamada Romania iyo Jarmalka, isaga oo tirada guud ee ciidamada dheeraadka ah gaarsiiyay ku dhawaad 3,000.

Mareykanka ayaa 8,500 oo kale oo askar Mareykan ah geliyey heegan sare bishii Janaayo si loo geeyo Yurub haddii loo baahdo. Waxay weli ku jiraan heegan sare waxaana la filayaa in wasiirrada gaashaandhigga ee NATO ay ka wadahadlaan in xoojin dheeraad ah lagu daro kulankooda soo socda ee Febraayo 16-17.

Latest stories