HomeWararCali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen laguw adaa in uu gaaro  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo xaalad kacsanaan ah ay ka tahay, taasi oo la xariirta imaanshiyihiisa. Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen laguw adaa in uu gaaro  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo xaalad kacsanaan ah ay ka tahay, taasi oo la xariirta imaanshiyihiisa.

Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada.

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha waxaa lasoo sheegayaa in ay ka degeen dhowr diyaaradood oo sida wafdi hor dhac ah, inkastoo aan la xaqiijin.

Ciidamo kamid ah kuwa Kacdoonka oo aad u hubeysan ayaa dhanka Hiiraan Bile ilaa Airportka Ugaas Khaliif isku fidiyay waxaana ay xooga saarayan sidii loo hor istaagi lahaa Cali Guudlaawe oo kusii jeeda maanta Beledweyne.

Waxaana taas kasiii horreysay in Waddooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

- Advertisement -

Dhanka kale Janaraal Xuud oo xalay xilli dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xasillooni darro laga wado magaalada Baledweyne, taas oo uu sheegay inay tahay in laga digtoonaado.

“Shalay waxaan diidnay in Cali Guud-laawe uu Baladweyne Tago maanta oo aan Muqdisho joogana waan diiddanahay, wax wadahal ah oo ina dhexmaray ma jiro marka sidee ayuu noogu imaan karaa isagoo xaq-yagii haysta? Ma kibirbaa? Ma nihin dad loola yimaado edeb-darrada noocaas oo kale ah haddii aanu nahay reer Hiraan.”ayuu yiri Janaraal Abuukar Warsame Xuud

Latest stories