HomeWararXildhibaano cusub oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Xildhibaano cusub oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maryan Maxamed Ciise iyo Khadiija Cali Warsame, waxaana doorashada kursigaas kusoo baxday oo […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maryan Maxamed Ciise iyo Khadiija Cali Warsame, waxaana doorashada kursigaas kusoo baxday oo ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise.

- Advertisement -

Musharax Xildhibaan Maryan Maxamed ayaa loogu coddeeyay Cod gacan taag ah iyada oo heshay 95 Cod, saddex qof kalena waxaa ay ka aamustay, kadib markii tartanka doorashada ka tanaasushay Khadiija Cali Warsame.

Kursiga HOP#218 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cilmi Ibraahim oo loogu coddeeyay Cod taagan ah, waxaana tartanka ka tanaasulay Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen, Maxamed Cilmi ayaa helay 92 Cod oo codka kalsoonida ah, 6 qof ayaa ka aamusay.

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee lagu doortay Maanta Jeneraal Kaahiye ee tirsigiisu ahaa HOP#270 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdiwahaab Cabdi Cumar oo qaab gacan taag ah loogu coddeeyay, isagoo helay 97 Cod, waxaana tartanka ka tanaasushay Muna Axmed Diiriye.

Latest stories