HomeCaalamkaWiilkii yaraa ee Ceelka ku dhacay Rayaan oo Goordhow isaga oo Nool...

Wiilkii yaraa ee Ceelka ku dhacay Rayaan oo Goordhow isaga oo Nool lasoo saaray

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa lagu guuleystay in godka laga soo saaro wiilka yar ee reer Morocco, Rayaan, oo dhowr maalmood ku jiray meel ceel ah. Markii ceelka laga soo saaray ayaa waxaa durbadiiba lagu qaaday ambalaans ama gaari nooca gurmadka degdega ah kaas oo loo malaynayo in lagu gaynayo isbitaalka. Boqollaal qof oo goobta isugu soo uruuray ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa lagu guuleystay in godka laga soo saaro wiilka yar ee reer Morocco, Rayaan, oo dhowr maalmood ku jiray meel ceel ah.

Markii ceelka laga soo saaray ayaa waxaa durbadiiba lagu qaaday ambalaans ama gaari nooca gurmadka degdega ah kaas oo loo malaynayo in lagu gaynayo isbitaalka.

- Advertisement -

Boqollaal qof oo goobta isugu soo uruuray ayaa markii wiilka yar laga soo saaray ceelka waxa ay ku qaylinayeen Allaahu Akbar – Allaah ayaa wayn, farxad iyo rayn rayn ayuuna jawigu isu badalay.

Xaaladdiisa caafimaad oo aan xog badan laga heynin waxaa la tacaalaya dhakhaatiir ilaa maanta oo dhan ku jiray godka.

Daqiiqado ka hor inta aan lasoo bixinin ayay warbaahinta Morocco soo tabiyeen in soo bixinta Ryan Saalim ay aad usoo dhawaatay kaddib markii uu shan maalmood ku xayirnaa ceelka dhexdiisa.

- Advertisement -

Wax yar ka hor soo saaristiisa waxaa la maqlayay codadka dad qaadaya anaashiid ducooyin ah iyo erayo muujinaya weyneynta Alle iyo mahad celinta Alle.

Shaqaalaha gurmadka ayaa god weyn ka qoday ceelka dhiniciisa, si ay u gaaraan halka uu wiilka yar ku jiro.

Ceelka uu ku dhacay Rayan ayaa ku yaalla duleedka magaalada Chefchaouen ee waddanka Morocco.

Xiili hore oo maanta ah ayay howl wadeennada gurmadka u suurtagashay inay gaaraan wiilka, inkastoo ay ku adkaatay inay gacanta kusoo dhigaan.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts