HomeWararShirweynaha Midowga Afrika oo Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa

Shirweynaha Midowga Afrika oo Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana Shirka ka qeyb galaya hoggaamineyaasha dalalka Afrika iyo Madax kale oo farabadan, kuwaasi oo la casuumay. Shirweynahan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadlayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika iyo hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax […]

- Advertisement -

Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana Shirka ka qeyb galaya hoggaamineyaasha dalalka Afrika iyo Madax kale oo farabadan, kuwaasi oo la casuumay.

Shirweynahan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadlayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika iyo hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

- Advertisement -

Guddoonka Shirka 35-aad ee Ururka ayaa ku baaqay in si wadajir ah wax looga qabto degenaansho la’aanta siyaasadeed ee ka jirta qaaradda oo dhowaan ay ka dhaceen dhawr afgambi oo Milateri.

Waxaa su’aal la iska weydiiyay in qaab dhismeedka siyaasadeed ee Afrika xilligan ka jira uu yahay mid haqabtiri kara baahida malaayiinta qof ee ku nool qaaradda ee heysata dhibaatada saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ee ka qeyb galaya Shirweynaha ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Latest stories