HomeWararShirweynaha Midowga Afrika oo Maanta furmaya iyo Farmaajo oo ka qeyb galaya

Shirweynaha Midowga Afrika oo Maanta furmaya iyo Farmaajo oo ka qeyb galaya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika, xili weli Magaaladaas ay kusii qulqulayaan Madax farabadan oo lagu casuumay Shirka. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli […]

- Advertisement -

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika, xili weli Magaaladaas ay kusii qulqulayaan Madax farabadan oo lagu casuumay Shirka.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa oo diirada lagu saarayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika iyo hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063.

- Advertisement -

Sidoo kale meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ayaa looga arrinsadan doonaa wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ee ka qeyb galaya Shirweynaha ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ka jeedin doona khudbado ay uga hadlayaan Arrimo kala duwan oo ku aadan rabshadaha, iyo saboolnimada ee Gobolka, sidoo kalena Madasha ay ka hadli doonaan Madax kale.

Latest stories