HomeWararMuxuu Farmaajo kusoo Bandhigi doonaa Shirka Midowga Afrika ee ka socda Addis...

Muxuu Farmaajo kusoo Bandhigi doonaa Shirka Midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa?

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Ururka Midowga Afrika oo maanta oo sabti ah ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Shirweynahan ayaa waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale, kuwaasi […]

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Ururka Midowga Afrika oo maanta oo sabti ah ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale, kuwaasi oo intooda badan ka jeedin doona khudbado kala duwan oo ay hadlayaan Arrimo dhowr ah.

- Advertisement -

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale khudbad uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ka jeedin doono Shirka Midowga Afrika ayuu uga hadli doonaa ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda qaar ee ka qeyb galeysa Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Ururka Midowga Afrika.

Latest stories