HomeCaalamkaMadaxweyne ku-xigeen hore ee Mareykanka oo Jawaab adeg siiyay Donald Trump

Madaxweyne ku-xigeen hore ee Mareykanka oo Jawaab adeg siiyay Donald Trump

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku khaldanaa inuu isku dayo inuu hor istaago guushii Madaxweyne Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii. Mr Trump ayaa dhawaan ku celiyay eedaha aanay waxba ka jirin ee uu hore u sheegi jiray, ee ahaa in doorashada lagu shubtay. Afar qof ayaa ku dhintay […]

- Advertisement -

Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku khaldanaa inuu isku dayo inuu hor istaago guushii Madaxweyne Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.

Mr Trump ayaa dhawaan ku celiyay eedaha aanay waxba ka jirin ee uu hore u sheegi jiray, ee ahaa in doorashada lagu shubtay. Afar qof ayaa ku dhintay intii ay rabshaduhu socdeen, waxaana maalintii xigtay ku dhintay askari boolis ah isagoo difaacaya dhismaha.

- Advertisement -

Isagoo ka hadlayay magaalada Orlando ee gobolka Florida, Pence ayaa ka jawaabayay hadaladii Mr Trump ee Axadii ee ahaa inuu ka hor istaagi karay doorashada hadii uu rabo. Trump ayaa sheegay in doorashada uu xaday madaxweyne Biden.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku xigeenka haatan aysan xaq u yeelan doonin inay natiijada doorashada ka hor timaaddo marka aan ka badino doorashada soo socota ee sannadka 2024-ka.

Dhanka kale Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay laba xubnood oo ka tirsan Congress-ka ka dib markii ay ka qaybqaateen baaritaanka weerarkii dhismaha Capitol ee ay sannadkii hore ee ay ku keceen taageeraysha Trump.

Latest stories