HomeCaalamkaKooxaha Gurmadka oo aad ugu dhow soo badbaadinta Canuga yar ee ku...

Kooxaha Gurmadka oo aad ugu dhow soo badbaadinta Canuga yar ee ku dhacay Ceelka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Dadaallo lagu soo badbaadinayo canug yar oo reer Morocco ah oo ku dhacay ceel biyood u dhow magaalada Shefshaawan ayaa haatan ku dhow gebogebo. Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dadaallo lagu soo badbaadinayo canug yar oo reer Morocco ah oo ku dhacay ceel biyood u dhow magaalada Shefshaawan ayaa haatan ku dhow gebogebo.

Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshaawan.

- Advertisement -

Rayaan ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhacay ceel dheerarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir, isaga oo marar ceelka afkiisa oo aad ciriiri u ah.

Hawlgallada samatabixinta ayaa socday ilaa fiidnimadii Talaadada.

Afhayeenka dawladda Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in hawlaha lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.

- Advertisement -

“Dareenkayagu waxa uu la jiraa qoyskiisa, waxaanan ka ugu duceynaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu ugu soo laabto,” ayuu yiri Mustafa.

Inkastoo uu ceel aad u dheer ku dhacay, haddana muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan dhaawacyo fudud oo madaxa ah.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wiilkaasi u dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.

Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts