HomeWararIsrasaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban ayaa saqdii dhexe ee xalay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya. Rasaasta oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada, taasi oo si gaar ah labada dhinac ugu dhexmartay agagaarka […]

- Advertisement -

Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban ayaa saqdii dhexe ee xalay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Rasaasta oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada, taasi oo si gaar ah labada dhinac ugu dhexmartay agagaarka Buundada dhinaca Bari ka xigta Garoowe, wallow markii dambe ay istaagtay oo xaaladda caadi kusoo laabatay.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa si kooban uga hadlay Israsaaseyntii xalay Magaalada Garoowe ku dhexmartay Ciidanka Booliska iyo rag hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye Ilyaas Isaaq ayaa sheegay in Ciidanka Booliska oo howlgal ku jiray ay rasaas ku bilaabeen ragga hubeysan, ayna Ciidamada iska caabiyeen rasaasta, isla markaana uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas oo ka dhacay meel ku dhow Buundada Bari.

Gaba-gabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa waxaa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha ka ganacsada Khamriga oo sida uu sheegay halis ku ah Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka.

Latest stories