HomeWararGuddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay qabashada Doorashada 8 kursi

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay qabashada Doorashada 8 kursi

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goordhow shaaciyay qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay in Guddiga uu qabanayo doorashada 8 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya kuraasta […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goordhow shaaciyay qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay in Guddiga uu qabanayo doorashada 8 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya kuraasta ay bilaabaneysaa 12-ka bishaan Febraayo 2022.

- Advertisement -

Guddiga doorashada ayaa 8-da kursi saddex kamid ah ka dhigay qoondada haweenka, kuwaasi oo kala ah HOP048, HOP053 iyo kursiga HOP081, waxaana kuraastaas ku tartamaya oo dumar kaliya.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay Galmudug soo saartay ayaa kala dhici laba maalmood ah oo kala ah 13-14-ka bishaan Febraayo, isla markaana waxaa ay doorashada ka dhaceysaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Latest stories