HomeWararGuddi uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta gaaray Magaalada Jowhar

Guddi uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta gaaray Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta gaaray Guddiga Wasiirada ah ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Wafdiga Guddiga Wasiirada ah oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta gaaray Guddiga Wasiirada ah ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga Guddiga Wasiirada ah oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo xubno kale.

- Advertisement -

Guddiga ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala shaqeeyaan dajinta xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan oo ay qeyb ka tahay in Cali Guudlaawe tego Baladweyne.

Guddiga Wasiirada ah ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Ganacsiga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo la kulmi doona Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo waxgaradka ku sugan Jowhar.

Tan iyo markii Madaxweynaha Hirshabeelle loo doortay Cali Guudlaawe ayaa waxaa dhismaha Maamulkaas kasoo horjeeda qeybo kamid ah Bulshada Baladweyne iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaas, isla markaana diidan in Madaxweyne Guudlaawe tego Magaaladaas Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan…

Latest stories