HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Guddoomiye ku dilay Magaalada Baydhabo

Faah faahin kasoo baxeysa Guddoomiye ku dilay Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dilay Guddoomiyaha xaafad ka tirsan Magaaladaas. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaas oo ay geysteen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad uu ka dhacay xaafadda Berdaale ee Baydhabo, waxaana la dilay […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dilay Guddoomiyaha xaafad ka tirsan Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaas oo ay geysteen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad uu ka dhacay xaafadda Berdaale ee Baydhabo, waxaana la dilay Guddoomiyihii xaafada Daarusalaam ee Baydhabo.

- Advertisement -

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Maxamed, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas, iyadoona halka uu dilka ka dhacay laga qaaday Meydka Marxuum Cabdirisaaq.

Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal lagu raadinayay dableydii hubeysneyd ee dishay Guddoomiyihii xaafada Daarusalaam ee Baydhabo ka sameeyay qeybo kamid ah Magaaladaas, in kastoo aysan jirin weli cid loo soo qabtay falkaas.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa marar kala duwan horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan falalka amni darro ee ka dhaca Baydhabo sheegta Al-shabaab.

Latest stories