HomeWararDhallinyaro Soomaali oo kamid noqotay Dadka qabowga ugu dhintay xadka Giriiga iyo...

Dhallinyaro Soomaali oo kamid noqotay Dadka qabowga ugu dhintay xadka Giriiga iyo Turkiga

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Laba Wii loo dhallinyaro Soomaali ah ayaa kamid noqday Muhaajiriin farabadan oo qabow dartiis ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga. Muwaadiniinta Soomaalida ee xuduudka ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Abuubakar iyo Yaxye, waxaana geeriyooda xaqiijiyay Booliska dalka Turkiga iyo xubno ka tirsan […]

- Advertisement -

Laba Wii loo dhallinyaro Soomaali ah ayaa kamid noqday Muhaajiriin farabadan oo qabow dartiis ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga.

Muwaadiniinta Soomaalida ee xuduudka ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Abuubakar iyo Yaxye, waxaana geeriyooda xaqiijiyay Booliska dalka Turkiga iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

- Advertisement -

Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah ayaa maalmo kahor qabow ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga, waxaana labadani waddan uu midba midka kale ku eedeeynayaa mas’uuliyadda masiibadaasi.

Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga in ay tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduuda, taasi oo sababtay in ay qabow u dhintaan.

Giriiga ayaa isna dhankiisa ku gacan seyray eedeymahaasi. Labadani waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo talaabaya xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada xadka ee dalka Giriiga in ay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka furteen dharkii iyo kabihii ay xirnaayeen, ka hor inta aysan dib ugu celinin xudduudda Turkiga la wadaago dalkaasi xilli qabow ba’an uu jiray.

Latest stories