HomeWararXukuumadda oo Q/Midoobay kala hadashay taageerida Hay’addaha Garsoorka dalka

Xukuumadda oo Q/Midoobay kala hadashay taageerida Hay’addaha Garsoorka dalka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah layeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan UNSOM iyo UNDP. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dargalinta iyo mideynta dadaalada ay wadaan deeq-bixiyaasha sida […]

- Advertisement -

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah layeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan UNSOM iyo UNDP.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dargalinta iyo mideynta dadaalada ay wadaan deeq-bixiyaasha sida gaarka ah u taageera hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga Bahda Cadaaladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa taageera ha’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la isla gartay in la laba jibaaro dadaallada lagu tayeynayo hay’adaha caddaaladda guud ahaan ee dalka.

Kulanka Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji uu la qaatay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku wehlinaayay Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah  Lataliyaasha Wasaaradda Cadaaladda.

Latest stories