HomeWararVilla Somalia oo Dacwad u dirtay Wargeys Caan ah oo Warbixin been...

Villa Somalia oo Dacwad u dirtay Wargeys Caan ah oo Warbixin been abuur ah daabacay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dacwad u dirtay Wargayska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaasi oo daabacay Warbixin ku aadan in Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay ka qeyb ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Warbixintaas ayaa waxaa Wargayska The Globe and Mail lagu qoray 20-ka bishii Janaayo ee 2022, waxaana lagu sheegay […]

- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dacwad u dirtay Wargayska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaasi oo daabacay Warbixin ku aadan in Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay ka qeyb ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Warbixintaas ayaa waxaa Wargayska The Globe and Mail lagu qoray 20-ka bishii Janaayo ee 2022, waxaana lagu sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka qeybta ahaa dagaalkii Tigray ay Gobolkaas ka geysteen xasuuq ba’an.

- Advertisement -

Warqad kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi, kuna taariikheysan 25-ka bishii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta loo soo dusiyey 5 maalmood ka dib, isla maalinkii Warbixinta la daabacay.

Warqada Madaxtooyada oo lagu qoray luuqad adag ayaa lagu beeniyay Warbixinta uu daabacay Wargayska The Globe and Mail ee ku aadan in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaateen dagaalkii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, waxaana dowladda sheegtay tillaabo sharci ah ka qaadi doonto Wargayska haddii aanu soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixintanta been abuurka ah.

“Warbixintiinnu waa mid si cad loogaga been abuurtay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan marna farogelin arrimo dalal kale” ayaa lagu yiri Qoraalka uu diray Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa).

- Advertisement -

Sidoo kale Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu yiri “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faanayaan ciidankeenna geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkayaga. Marna ma aha kuwo ku xad gudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen.

Latest stories