HomeWararFarmaajo oo Goor dhow u ambabaxay Magaalada Addis Ababa iyo ujeedka safarkiisa

Farmaajo oo Goor dhow u ambabaxay Magaalada Addis Ababa iyo ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Farmaajo ayaa Caasimadda Addis Aabab kaga qeyb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo halkaas ka furmaya, waxaana Magaaladaas uga sii horreeya […]

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa Caasimadda Addis Aabab kaga qeyb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo halkaas ka furmaya, waxaana Magaaladaas uga sii horreeya Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali.

- Advertisement -

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063.

Sidoo kale meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ayaa looga arrinsadan doonaa wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda qaar ee ka qeyb galay Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Latest stories