HomeWararDEG DEG: Gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo lagu Qarxiyey duleedka...

DEG DEG: Gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo lagu Qarxiyey duleedka Kismaayo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa dhowr iyo tan daqiiqo kahor ka dhacay deegaan duleedka ah ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxaas dhacay kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Dad ayaa waxaa ay ku warreen in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog, isla markaana […]

- Advertisement -

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa dhowr iyo tan daqiiqo kahor ka dhacay deegaan duleedka ah ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxaas dhacay kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ay ku warreen in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog, isla markaana waxaa qaraxa uu qabsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomeyda oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo safar ahaa.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa waxaa uu gaariga ku haleelay deegaanka Gaabogabdhoole ee ku dhow Cabdi dhoore duleedka Magaalada Kismaayo, xili uu halkaas marayay, waxaana goobta ku geeriyooday dadkii saarnaa gaariga, sidoo kalena dhaawac uu gaaray dad kale.

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Jubbaland oo goobta ka adhawaa ayaa durbadii halkaas tegay, isla markaana ka qaaday Meydadka iyo dadka dhaawacyada soo gaareen, iyadoona uu gebi ahaan burburay gaariga Hoomeyda ahaa.

Dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale waxaa ay qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyey looga beegsaday gaadiid nooca dadweynaha raacaan ee Hoomeyda, waxaana qaraxayaas ka dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Latest stories