HomeWararAkhriso:Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray saddex kursi ay hakiyeen

Akhriso:Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray saddex kursi ay hakiyeen

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ayaa Go’aan ka gaaray dacwada dhawaan laga soo gudbiyey doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay dacwada laga soo gudbiyay kuraasta sumadoodu tahay HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211 […]

- Advertisement -

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ayaa Go’aan ka gaaray dacwada dhawaan laga soo gudbiyey doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay dacwada laga soo gudbiyay kuraasta sumadoodu tahay HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211 ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

- Advertisement -

Guddiga ayaa caddeeyay in hannaanka loo maray doorashada Golaha Shacabka ee saddexda kursi uu yahay mid waafaqsan habraacyadii loo dejiyay doorashooyinka, isla markaana Guddiga dacwada lasoo gudbiyay ku sameeyay baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku wargeliyay inay ku dhawaaqan Natiijada doorashada kuraasta HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211 oo ay fasax yihiin kuraasta.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, balse dhawaan loo doortay Cabdullaahi Abiib.

- Advertisement -

Kursiga HOP#209  ayaa waxaa uu horey ugu fadhiyey Allaha u naxariistee Axmad Dhimbil Casoowe, waxaana maalma ka hor loo doortay Maxamad Xuseen Haadi.

Kursiga Sedaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#211 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Caasha Koos, oo mar kale maalmo kahor dib loogu doortay, kadib doorasho ka dhacday Xarunta Teendhada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga Khilaafaadka

 

Latest stories