HomeWararSaraakiisha Ciidanka DANAB oo sheegay inay howlgal ku dileen Saraakiil ka tirsan...

Saraakiisha Ciidanka DANAB oo sheegay inay howlgal ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ururka 4-aad ee Kummaandooska DANAB ayaa howlgalo qorsheysan waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaano hoostaga degmooyinka  Awdheegle, iyo Qoryeeleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyey Maxkamad Shabaab ay ku lahayeeen tuulooyinka Adiimoole iyo Degwariiri ee ku yaallay inta u […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ururka 4-aad ee Kummaandooska DANAB ayaa howlgalo qorsheysan waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaano hoostaga degmooyinka  Awdheegle, iyo Qoryeeleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyey Maxkamad Shabaab ay ku lahayeeen tuulooyinka Adiimoole iyo Degwariiri ee ku yaallay inta u dhexeeyso degaanka tooratooroow iyo degmada Qoryooleey.

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale howlgal ka sameeyay Tuulooyinka Daarusalaam iyo Mubaarak, halkaasi oo uu dagaal khasaaro dhaliyey ku dhexmaray Ciidanka Kummaandooska DANAB iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha ururka 83-aad G/le Nuurdiin Macalin Xuseen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalka laga fuliyay Shabeellaha Hoose lagu dilay afar Sarkaal iyo 7 xubnood kale oo kamid ahaa Al-shabaab.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Shabaabka uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Latest stories