HomeWararMuhaajiriin badan oo qabow dartiis ugu dhintay xudduudka Turkiga iyo Giriiga

Muhaajiriin badan oo qabow dartiis ugu dhintay xudduudka Turkiga iyo Giriiga

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah ayaa qabow ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga, waxaana labadani waddan uu midba midka kale ku eedeeynayaa mas’uuliyadda masiibadaasi. Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga in ay tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduuda, taasi oo sababtay […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah ayaa qabow ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga, waxaana labadani waddan uu midba midka kale ku eedeeynayaa mas’uuliyadda masiibadaasi.

Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga in ay tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduuda, taasi oo sababtay in ay qabow u dhintaan.

- Advertisement -

Giriiga ayaa isna dhankiisa ku gacan seyray eedeymahaasi. Labadani waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo talaabaya xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegaya in meydadka sagaal ka mid ah muhaajiriintaasi la helay subaxnimadii shalay oo Arbaca ahayd, arrintaasi oo keentay in baaritaan laga sameeyo aagaasi kaddibna la helo meydka laba qof oo kale.

Qof kale oo qabowga ba’an uu haleelay ayaa isla aagaasi laga helay wuxuuna markii dambe ku dhintay isbitaalkii lagu daweynayay.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada xadka ee dalka Giriiga in ay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka furteen dharkii iyo kabihii ay xirnaayeen, ka hor inta aysan dib ugu celinin xudduudda Turkiga la wadaago dalkaasi xilli qabow ba’an uu jiray.

 

Latest stories