HomeWararCabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#139 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa dhowr daqiiqo kahor kusoo dhammaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Doorashada kursiga HOP#139 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Xamdi Cali Shire iyo Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe […]

- Advertisement -

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#139 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa dhowr daqiiqo kahor kusoo dhammaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Doorashada kursiga HOP#139 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Xamdi Cali Shire iyo Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe Macalin Maxamuud…

- Advertisement -

Cabdisamad Macalin ayaa kusoo baxay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, isagoona loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Musharaxii la tartami laheyd ee Xamdi Cali Shire.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Cabdisamad Macalin Maxamuud uu ku guuleystay kursiga HOP#139 ee Golaha Shacabka, isal markaana uu helay 101 Cod oo gacan taag dhammaan codadka lagu siiyay.

Doorashada kuraas kale oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla Maanta lagu qabanayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Latest stories