HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo Imaaraadka Carabta kala hadlay Gurmadka Abaaraha dalka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Imaaraadka Carabta kala hadlay Gurmadka Abaaraha dalka

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, isagoona halkaasi ka wada kulamo kala duwan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, isagoona halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

- Advertisement -

Madaxda uu kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa sheegay inay ka go’an tahay garab istaaga dadka Soomaaliyeed ee abaarta saameynta ku reebtay, isla markaana ay gargaar lasoo gaari doonaan dadkaas dhibaateysan, si loogu caawiyo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay deeq Gargaar ah oo isugu jirtay Raashin iyo Daawo, taasi oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku saameysay Gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Latest stories