HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka Ingiiriska oo gaartay Kismaayo

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka Ingiiriska oo gaartay Kismaayo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineysay Safiirka Dowlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa aqalka martida ee Kismaayo kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineysay Safiirka Dowlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa aqalka martida ee Kismaayo kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.

- Advertisement -

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Jubbaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka Golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda.

Waxaa kulanka ka Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha.

Latest stories