HomeWararFaah faahin: Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo Qarax xoogan...

Faah faahin: Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo Qarax xoogan lala eegtay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ayaa waxaa qarax xoogan lagula eegtay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle, waxaana kasoo baxaya faah faahino qaraxaas dhacay. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa gaadiidka ay wateen Ciidamada Itoobiya lagula beegsaday inta u dhexeeysa […]

- Advertisement -

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ayaa waxaa qarax xoogan lagula eegtay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle, waxaana kasoo baxaya faah faahino qaraxaas dhacay.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa gaadiidka ay wateen Ciidamada Itoobiya lagula beegsaday inta u dhexeeysa deegaanada Ceelgaal iyo Kalabeyrka ee Gobalka Hiiraan, xili ay halkaas socdaal ku marayeen.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxa lala eegtay Ciidanka Itoobiyaanka ahaa, iyagoona tilmaamay inuu burburay mid kamid ah gaadiidkii kolonyada oo uu qaraxu haleelay.

Shabaabta intaas kusii daray in Ciidamada Itoobiya ee la qarxiyey ay kasoo baxeen Magaalada Baladweyne, isla markaana ay doonayeen sahay ciidan oo taallay xadka kala qeybiya Hiiraan iyo Itoobiya, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay qaraxyo khasaaro dhaliyey ula beegsadeen Ciidamo ka tirsan Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM, sidoo kalena ay labada dhinac dhexmareen dagaal xoogan oo ka dhacay qeybo kamid ah dalka.

Latest stories