HomeWararDil Goordhaweyd ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Dil Goordhaweyd ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoodo ayaa daqiiqado kahor xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada. Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga ay toogasho ku dileen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, xili uu […]

- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoodo ayaa daqiiqado kahor xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga ay toogasho ku dileen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, xili uu ku sugnaa agagaarka Kaawada Kawasiini ee xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan, isagoona Askariga ku dhintay goobta.

- Advertisement -

Dableydii falka geystay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsatay, iyagoona la tilmaamay inay horey u sii qaateen qori Ak-47 oo uu watay Askariga ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee dowladda Federaalka ee la khaarijyey.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd goobta uu falku ka dhacay gaaray, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Askariga la dilay, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas ka dhacay degmada Kaaraan.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxa  maalmihii dambe kusoo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan rag ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

Latest stories