HomeWararAfar Musharax oo tartan la’aan kusoo baxay Doorashadii Maanta ka dhacday Muqdisho

Afar Musharax oo tartan la’aan kusoo baxay Doorashadii Maanta ka dhacday Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Doorashada afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maantaa oo Arbaco ah lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsida tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaariye. Doorashada kursiga HOP#268 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas, waxaana doorashadii dhacday loogu […]

- Advertisement -

Doorashada afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maantaa oo Arbaco ah lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsida tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaariye.

Doorashada kursiga HOP#268 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas, waxaana doorashadii dhacday loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tartanka ka haray Musharaxii kale ee Axmed Muumin Waaliye.

- Advertisement -

Kursiga HOP#267 Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir oo horey ugu fadhiday kursiga ayaa ku guuleystay mar kale, iyada oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, waxaana u tanaasushay Sucaado Muumin Maygaag oo la tartami laheyd Saynab Caamir.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#236 ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) oo ku fadhiyey kursigaas, isla markaana waxaa loogu codeeyay Cod taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Musharax la tartami lahaa ee Farxaan Cabdilahi Cali.

Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta dhacday oo tirsigiisu yahay HOP#269 ayaa waxaa qaab gacan taag ah loogu coddeeyay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, waxaana tartanka ka haray  Buuxo Maxamed Cismaan oo markii hore Musharax aheyd.

Latest stories