HomeWararWararkii ugu dambeeyay Dad ku dhintay Qarax xoogan oo Maanta ka...

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku dhintay Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Kenya

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer ee Kenya, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyey ayaa waxaa lala eegtay gaari Bas oo ay saarnaayeen dad shacab ah, […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer ee Kenya, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyey ayaa waxaa lala eegtay gaari Bas oo ay saarnaayeen dad shacab ah, isla markaana waxaa uu qaraxu gaarigaas ku qabsaday, xili uu marayay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay afar qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxaas dhacay Maanta oo Arbaco ah, halka tirro dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.

Laba maalin kahor ayey aheyd markii qarax miino uu haleelay gaari Bas oo ku sii jeeday magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, ugu yaraan 13 qof ayaa ku naf-waayay qaraxaas.

Latest stories