HomeWararXildhibaankii ugu Horreeyay ee Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalada Jowhar

Xildhibaankii ugu Horreeyay ee Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Dowalad Goboleedka Hirshabeelle ka socota doorashada Golaha sahcabka ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa la filayaa in manta Jowhar lagu doorto ilaa iyo lix Xildhibaan, kuwaasi oo haatan qayb la doortay qaybna loo madalsan yahay in saacadaha soo aaddan la doorto. Doorashada oo Saaka bilaabatay ayaa waxaa la […]

- Advertisement -

Waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Dowalad Goboleedka Hirshabeelle ka socota doorashada Golaha sahcabka ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in manta Jowhar lagu doorto ilaa iyo lix Xildhibaan, kuwaasi oo haatan qayb la doortay qaybna loo madalsan yahay in saacadaha soo aaddan la doorto.

- Advertisement -

Doorashada oo Saaka bilaabatay ayaa waxaa la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka hieshabeelle ku matali doona Baarlmamaanka 11aad, waxaana doorashada Kursigii ugu horreeyay kusoo baxay Yusuf Ibrahim Afrah (Yuusuf Kabaale).

Yuusuf Kabaale ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-033 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 69 -cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed xuseen sabriye uu heley 22-codn, Waxaa halaabay 6- cod, Wadarta guud ee soo xaadirtay Ergada ayaa ah 97-qof.

Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada  ee ka hawl galaya Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo uu hogaaminaayo  Maxamed  Cumar Maxamuud oo ah Guddoomiyaha qeybta Hirshabelle kala shaqeynayo doorashada ayaa Saakay ka Qeybgalay Doorashada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa  magaalada Johwar.

Latest stories