HomeWararShil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah, sida wararku sheegayaan. Shilka ayaa ka dhacay afafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sababay gaari noociisu yahay Booyad, kaasi oo la sheegay in uu soo bareeg goostay, waxaana uu jiiray qof shacab ah, kaasi oo goobta ku […]

- Advertisement -

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah, sida wararku sheegayaan.

Shilka ayaa ka dhacay afafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sababay gaari noociisu yahay Booyad, kaasi oo la sheegay in uu soo bareeg goostay, waxaana uu jiiray qof shacab ah, kaasi oo goobta ku geeriyooday sida wararku sheegayaan.

- Advertisement -

Booyadda oo ahayd nooca lagu qaado  saxarada iyo Biyaha doorsoomay ama wasaqaysan ayaa kasoo Bareeg goosatay aga-gaarka dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana goobta ay ku jiirtay Qof shacab ah oo gaari gacanle ah sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Gaariga falka gaystay ayaa la sheegay in ay leedahay Dowladda hoose ee Xamar, waxaana uu ka mid yahay gawaarida loogu talagay nadaafadda, ee ka shaqeeya Gudaha caasimadda.

Wadaha Gaariga ayaa la sheegay in uu xakamayn waayay, kadibna uu ka booday, waxaana soo gaaray dhaaac sida wararku sheegayaan.

- Advertisement -

Marxuumka ku dhintay shilka ayaan helin gurmad deg deg, iyadoo gaarigu uu daqiiqado badan dulsaaarnaa, taasi oo keentay in uu goobta ku geeriyoodo, waxaana soo daahay gaadiidka gurmadka deg degga loogu tala galay.

Gaariga ayaa ka soo bareeg goostay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu ku joogsaday afafka hore ee laga galo Madaxtooyada, gaar ahaan halka loo yaqaanno Kashmiir, halkaasi oo ah goobta uu ku dilay Qofka shacabka ah.

Shilalka ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan sababa khasaaro nafeed iyo mid maal, oo soo gaara dadka shacabka, waxaana shilalka badankood sababa, wadayaasha gaadiidka oo Xawaare sare ku wada iyo waddooyinka oo qaarkood aad u burbursan.

Latest stories