HomeWararLammaane lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Lammaane lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar aynu helay ayaa sheegaya in Dil uu xalay ka dhacay Magaalada laascoonood ee xarunta Gobolka Sool, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi. Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Xalay  bartamaha magaalada laascaanood lagu dilay lammaane la qorsheynaayy in dhawaan uu dhaco guurkoodu, kuwaasi oo dilkooda ay fuliyeen kooxo hubaysan, kuwaasi […]

- Advertisement -

Warar aynu helay ayaa sheegaya in Dil uu xalay ka dhacay Magaalada laascoonood ee xarunta Gobolka Sool, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Xalay  bartamaha magaalada laascaanood lagu dilay lammaane la qorsheynaayy in dhawaan uu dhaco guurkoodu, kuwaasi oo dilkooda ay fuliyeen kooxo hubaysan, kuwaasi oo sida la sheegay Goobta isaga baxsaday dilka kadib.

- Advertisement -

Waxaana ilaa iyo hadda aan faah faahin laga helin sababta rasmiga ah ee loo dilay lammaanahaasi, la qorsheynayay in dhawaan uu dhaco guurkodu.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada ammaanka,kuwaasi oo sameeyay baaritaanno ay ku baadi goobayaan dableydii dilka ka dambaysay, balse lama shaacin cid loo soo qabtay dilka labada Lammaane, waxaana wali socda howgallo dheeraad ah sida ay inoo sheegen dad goob joogayaal ah oo ku sugan Lascaanood.

Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa dhawaanahaan waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo gaysanayo mas’uuliyiinta degaanka iyo dad shacab ah, waxaana laamaaha ammaanka Gobolka iyo kan magaalada ay dhowr jeer ku cel-celiyeen in ay wax ka qaban doonan dilal iyo falalka amni darro eek a dhaca Magaalada.

Latest stories