HomeWararFaah Faahin: Dil ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

Faah Faahin: Dil ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aynu ka helayno Degmada kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in dil uu ka dhacay Degmada, waxaana la helayaa fah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi. Dilka ayaa yimid kadib markii Ciyaal-weero ka kala yimid labo xaaafdood oo ka tiran Degmada kaaraan ay isku weerareen middiyo iyo biro, waxaana goobta ku naf waayay […]

- Advertisement -

Wararka aynu ka helayno Degmada kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in dil uu ka dhacay Degmada, waxaana la helayaa fah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Dilka ayaa yimid kadib markii Ciyaal-weero ka kala yimid labo xaaafdood oo ka tiran Degmada kaaraan ay isku weerareen middiyo iyo biro, waxaana goobta ku naf waayay ka mid ah dhalinyaradii weerada ku jirtay, kaasi oo ay dileen kooxda kasoo horjeedday kooxda kale.

- Advertisement -

Falka ayaa ka dhacay Xaafadda Xaaji Culumo oo ka tirsan Degmada, waxaana dadka degaanka oo aynu la hadalnay ay inoo xaqiijiyeen in labada koox ee  dhibaatada isku gaystay ay kala matalayeen labo xaafadood oo isla degmada ah, oo lagu kala magacaabo Telefeshinka iyo Burka Diigkow.

Dilka kadib waxaa goobta ku kala cararay labadii dhinac ee dagaalku dhex-maray, waxaana goobta gaaray Ciidanka ammaanka kuwaasi oo sida la sheegay sameeyay howgallo ay ku baadi goobayaan dhalinyarada ku howlan falalka weerada ah, oo inta badan degmadaasi ka noqday wax iska caadi ah, maaddaama kooxaha xaafadaha Tuuryeeya ay kusoo bateen, sidoo kalena haatan ay dhibaatadu badatay oo ay adeegsadaan Toorreeyo, Baangado iyo waxyaabaha kale gacan qabsiga ah.

Tiro dhowr jeer ah shacabka ku nool Degmada ayaa sheegay in ay qaati ka taagan yihiin Ciyaal weero, kuwaasi oo dhibaato u gaystay dadka shacabka ah, iyadoo muuqaallo ay horay uga soo muuqdeen iyagoo dhalinyaro si qasab ah  tinta uga xiiraya.

Latest stories