HomeWararXildhibaanadii ugu dambeeyay ee kuraastooda taallo Baydhabo oo Maanta la doortay

Xildhibaanadii ugu dambeeyay ee kuraastooda taallo Baydhabo oo Maanta la doortay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-175 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo  kala ah Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) iyo Aadan Maxamed Ibraahim, waxaana […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-175 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo  kala ah Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) iyo Aadan Maxamed Ibraahim, waxaana doorashada kursigaas ku guuleystay Cabdirashiid Maxamed oo helay 70 Cod.

- Advertisement -

Kursiga labaad ee doorashadiisa ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa uu tirsigiisu yahay Hop-185 oo ay ku tartameen Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdulaahi Maxamed Isaaq, iyadoona uu kursigaas kusoo baxay Maxamed Bare oo ah wiil dhalinyaro ah oo helay 71 Cod.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-185 ayaa loo doortay oo ku guuleystay Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo helay Codad gaaraya 71-Cod, isla markaana waxaa doorashada ku tartamay Maxamed Nuur Maxamed.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-188, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 73 Cod, waxaana doorashada kula tartamay Musharax lagu magacaabo Cabdisamed Aadan Isaaq.

- Advertisement -

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa ka dhacday Baydhabo oo tirsigiisu yahay Hop-177 ayaa waxaa ku tartamay  Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) iyo Maxamuud Abuukar Kheyr, iyadoona uu ku soo baxay Cabduqaadir Sheekh oo helay 75 Cod.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Baydhabo, waxaana wixii Maanta ka dambeeya la guda geli doonaa doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas.

Latest stories