HomeWararWafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xubno ka mid ah Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, iyagoona lagu soo dhaweeyay Magaaladaas wafdiga Guddiga. Ujeedka wafdiga ka socday Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen habsami u socodka diiwaan-galinta iyo tababarka ergada ee […]

- Advertisement -

Xubno ka mid ah Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, iyagoona lagu soo dhaweeyay Magaaladaas wafdiga Guddiga.

Ujeedka wafdiga ka socday Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen habsami u socodka diiwaan-galinta iyo tababarka ergada ee ka socda Magaalada Jowhar.

- Advertisement -

Sidoo kale wafdiga ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka oo maalinta berri lagu wado inay ka dhacdo Jowhar, waxaana socda diyaar garoowii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashadaas dhaceysa.

Xubnaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyagoona kala hadli doona dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka oo berrito ka bilaabaneysa Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliya ah maamulka aan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana horey u bilaabay doorashada afarta dowlad Goboleed kale, iyadoona la doortay 74 Xildhibaan.

Latest stories