HomeWararUrurrada Bulshada Rayidka oo sheegay in aan la fulin Qodobada heshiiskii Doorashada

Ururrada Bulshada Rayidka oo sheegay in aan la fulin Qodobada heshiiskii Doorashada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax ayaa sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran aysan fulin oo ay hirgelin heshiiskii ay ku gaareen Shirkii uga qabsoomay Magaalada Muqdisho ee socday 7-da maalin. Shaatax oo la hadlay mid kamid ah telefashinada Afka Soomaaliga ku hadla ayaa tilmaamay in Madaxda Golaha sidii loo baahnaa oo uu qornaa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax ayaa sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran aysan fulin oo ay hirgelin heshiiskii ay ku gaareen Shirkii uga qabsoomay Magaalada Muqdisho ee socday 7-da maalin.

Shaatax oo la hadlay mid kamid ah telefashinada Afka Soomaaliga ku hadla ayaa tilmaamay in Madaxda Golaha sidii loo baahnaa oo uu qornaa heshiiska doorashada aan loo fulin oo ay weli sii socoto in kuraasta doorashada qaar la xiro, isla markaana la xakameynayo ergada wax dooraneysa.

- Advertisement -

Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa Carabka ku dhuftay inay rajo wanaagsan ka qabeen in Golaha ay qaadan doonaan tallooyinkii ku aadanaa doorashada oo ay siiyeen Midowga Musharaxiinta, Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, balse aysan qaadan, horeyna shaki uga qabeen.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ayuu sheegay inay dhacdooyin kala duwan ka diiwaan-geliyeen doorashada Golaha Shacabka ee socota, isla markaana ay soo saari doonaan Warbixino ay ku caddeynayaan qalalaadkii dhacay.

Ugu dambeyn Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayuu Guddoomiye Tahliil Shaatax ugu baaqay inay fuliyaan heshiiskii ay ka gaareen doorashada oo ahaa in doorashada noqon doonto mid daah-furan oo waqtigii lagu heshiisyay doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo.

Latest stories