HomeWararShirweyne Maanta ka furmay Magaalada Garoowe iyo wufuud ka qeyb galeysa

Shirweyne Maanta ka furmay Magaalada Garoowe iyo wufuud ka qeyb galeysa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka furmay Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, Shirkan ayaa gundhig u ah Dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH). Shirka ayaa socon doona muddo 3 cisho, waxaana ka qeybgalaya Shirka dhammaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo […]

- Advertisement -

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka furmay Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, Shirkan ayaa gundhig u ah Dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH).

Shirka ayaa socon doona muddo 3 cisho, waxaana ka qeybgalaya Shirka dhammaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ay hogaaminayso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur.

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa bogaadisay in Shirweynahu sanadkaan ka dhaco Garoowe Puntland, Dr. Jaamac  Faarax Xasan,

Wasiir Fowsiya Abiikar ayaa shirka ka jeedisay khudbad ku saabsan muhimadda ay Cilmibaadihstu u leedahay horumarinta Caafimaadka dalka, iyadoo codsatay in Hay’aduhu diirada saaraan, isla markaasna dhaqaalo gaar ah ugu talagalaan xoojinta Cilmi baadhista ku aadan caafimaadka.

Wasiir Dr. Fawziya Abiikar Nur ayaa ugu danbeyntii u mahadcelisay dhammaan kasoo qeybgalayaasha Shirweynaha, iyadoo sii gaarana ugu mahadcelisay Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO), AFENET, Wakaaladda Caafimaadka Guud ee Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee  (SHAJ).

Latest stories