HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay socdaalkiisa ku wehlinayaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sii sagootiyay Ra’iisul […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay socdaalkiisa ku wehlinayaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

- Advertisement -

Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Dubai waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Imaaraadka Carabta, isagoona kala hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo Arrimo kale.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horraantii bishan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadaas, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, allaabadaas ayaa la tilmaamay irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.

Latest stories