HomeWararMadaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Magaalada Nairobi oo uu gaaray  

Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Magaalada Nairobi oo uu gaaray  

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo shalay ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa xalay gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni uu Nairobi kula kulmi doono  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo shalay ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa xalay gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni uu Nairobi kula kulmi doono  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka oo ku sugan Magaaladaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland ayaa la tilmaamay in Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ee uu la kulmayo kala hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan doorashooyinka ka socda dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni inta uu joogo Magaalada Nairobi ay halkaas isku arki doonaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isna kusii jeeda Kenya.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah Isbaheysi siyaasadeed oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku wajahayeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Latest stories