HomeWararKuraastii ugu dambeeysay Golaha Shacabka ee taalla Baydhabo oo Maanta la dooranayo

Kuraastii ugu dambeeysay Golaha Shacabka ee taalla Baydhabo oo Maanta la dooranayo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa maalintii shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha […]

- Advertisement -

Doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa maalintii shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadoodu saacadaha soo socda ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.

- Advertisement -

Guddiga doorashada Maamulka ayaa Maanta dhammeeystiraya kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Baydhabo, waxaana Magaaladaas lagu doortay 17 Xildhibaan oo kamid noqday Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta la qorsheeyay in Maanta doorashadoodu la qabto ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#188  oo ay ku tartami doonaan Maxamed Cabdi Maxamed iyo Cabdisamed Aadan Isaaq, kursiga HOP# 185 oo ay ku tartamayaan Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed.

Sidoo kale kursiga HOP#175 ayaa waxaa ku loolami doona Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley, kursiga HOP#159 ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq, halka HOP# 177 ay ku tartami doonaan Maxamuud Abuukar Kheyre iyo Cabduqaadir Sheekh Cali Barak.

Latest stories