HomeWararWafdi ka socday Xukuumadda xilgaarsiinta oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi ka socday Xukuumadda xilgaarsiinta oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Maanta oo sabti ah gaartay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland, iyada oo halkaas lagu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ayaa waxaa Wasiir Fowsiya Abiikar iyo wafdi ay hoggaamineysay kusoo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka ee dowlad Goboleedka […]

- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Maanta oo sabti ah gaartay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland, iyada oo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ayaa waxaa Wasiir Fowsiya Abiikar iyo wafdi ay hoggaamineysay kusoo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka ee dowlad Goboleedka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan.

- Advertisement -

Ujeedka wafdiga Wasiirka Caafimaadka xilgaarsiinta ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirweynaha ugu horeeyay oo lagu soo bandhigi doono Cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsan Caafimaadka guud.

Shirkaan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa midkii koowaad 31 Janaayo ka furmaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kaasi oo socon doona muddo 3 cisho ah laga billaabo 30 Janaayo ilaa 1-da Fabraayo 2022.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxaa safarka Garoowe ku wehlinaya Agaasimayaasha waaxyaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka.

Latest stories