HomeWararTaliska Booliska oo Amar cusub kusoo rogay Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha

Taliska Booliska oo Amar cusub kusoo rogay Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha

Date:

Related stories

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xirnaa qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Ganacsatada Suuqa ay sheegeen in Suuqa loo xiray sababo la la xiriira lacago la sheegay inay Daacish ku rogtay Ganacsatada. Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay howlgalo ka sameeyay gudaha Suuqa Baraakada […]

- Advertisement -

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xirnaa qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Ganacsatada Suuqa ay sheegeen in Suuqa loo xiray sababo la la xiriira lacago la sheegay inay Daacish ku rogtay Ganacsatada.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay howlgalo ka sameeyay gudaha Suuqa Baraakada ee degmada Howlwadaag, iyadoona Taliska Booliska amaro kasoo saaray xirnaashaha Suuqa weyn ee Muqdisho.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda Suuqa Bakaaraha ay caadi tahay oo amniga sugan yahay, isla markaana Ciidanka Booliska ay dhex joogaan, si u wada Ganacsadaan Ganacsatada iyo dadweynaha.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan ayaa caddeeyay in Suuqa Bakaaraha uu furan yahay Ganacsiga kala socdo, wuxuuna Ganacsatada faray in cid kasta oo tabasho qabta oo kamid ah Ganacsatada lasoo wadaagan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in goob Ganacsi oo kamid ah Suuqa Bakaaraha lagu xiro amar aan aheyn kan dowladda, isla markaana cid kasta oo isku dayda in amar kale goobo Ganacsi ku xirto ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

- Advertisement -

Si kastaba Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xireen goobahooda Ganacsi, kadib markii Ganacsatada ay sheegeen in Daacish kusoo rogtay lacago Canshuur ah oo aysan awoodin inay bixiyaan.

Latest stories